Deni: Waa in DF ay gobolka Gedo ku wareejisaa Jubaland

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka, oo ay ka qeybgaleen Dowladda Federaalka ah, Dowladdaha xubnaha ka ah iyo Wakiillada Beesha Caalamka iyo Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Deni, ayaa hadaljeedintiisa kaga hadlay horumarka Puntland gaartay labadii sano u danbeeyay, saameynta Covid-19, Ayaxa iyo duufaanta GATI, xaaladda dalku marayo, gaar ahaan arrimaha doorashada, Kheyraadka iyo dib-u-eegista Dastuurka.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la isugu yimaado Shir deg deg ah, si loo xaliyo tabashooyinka la xiriira Doorashada, wuxuu Madaxweynuhu ku baaqay in Ciidamada laga saaro Garbahaarey, si ay ugu suuragasho Jubaland inay halkaasi doorashada ku qabato.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ku baaqay in Wax laga qabto tabashada ka jirta Guddiga Doorashada ee Somaliland, lagana talagaliyey dhammaan siyaasiyiinta Somaliland oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Arrinta Shidaalka Soomaaliya, Puntland waxay ku baaqday inaan lagu degdegin illaa sharciyan looga heshiinayo.

Puntland waxay soo jeedisay in dib-u-eegista Dastuurka laga wada xaajoodo doorashada kadib, si loogu helo wakhti ku filan oo looga baaraandago.

Kulanka oo ku qabsoomay hab maqal iyo muuqaal ah, waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka, Cawil Shiikh Xaamud, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange iyo Saraakiil Madaxtooyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM