Deni: Waan ka gudubnay waagii koox yar ay noo xoog sheegan jirtay

Image

QARDHO, Soomaaliya - Madaxweynaha wakhtigiisa xilhaynta Dastuuriga ah sii dhamaanayo ee, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa maanta magaalada Qardho ka daahfuray mashruuca biyo celinta magaalada Qardho.

Guddigii isxilqaamayaasha ee u istaagay fatahaadii 2020 iyaga oo uruuriyay dhaqaale ka badan 2 milyan oo dollar ayuu isku dayay in uu iridaha ka xirto.

Shiikh Fu'aad Maxamuud Xaaji Nuur"Afloow" oo kamid ah culimada Qardho oo ka hadlay munaasabadda ayaa yiri " Waxaa layaab ah in maanta iyada oo biyo gelinta Qardho laga hadlayo hadal la iiga baryo Duqa degmada iyo Wasiir Caarshe".

Shiikha oo sii hadlaya ayaa yiri "hal milyan, lix boqol iyo 23 kun oo ka hartay kharashkaas waxaanu idinku wareejinaynaa guddigaa anaga dib danbe wax hanoo waydiinina hana noo gefina".

Madaxweynaha sii tagay, Siciid Deni oo hadlay ayaa khudbadiisa ku yiri " waan ka gudubnay waagii koox yar ay noo xoog sheegan jirtay".

Madaxdii Puntland soo martay ayaa iyaga oo ixtiraamaya Dastuurka Puntland waxaa ay xurmo wayn siin jireen culimada.

Abaartii Sima iyo marxaladihii adkaa ee Puntland ayaa lagu xusuustaa in culimadu ay kaalin wayn oo Hormuud ah kaga jireen.

Mashruuca Biyo xirka Qardho oo dhaqaale loo hayo ayaa laga walaacsan yahay in uu ku dhamaado meel aan la mahadin taasi oo far ku godan tahay sababta culimada looga fogeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM