DFS oo hortaagan soo wareejinta dhalinyaro ku xiran Iran [Dhagayso]

Image

06 September, 2015(GO)-Agaasimaha hay'adda ladagaallanka Burcad Badeedda Puntland Cabdirasaaq Maxamed Dirir Ducaysane oo la hadlayay Radio Garowe ayaa sheegay in DFS ay hortaagantahay dhalinyaro Somaliyeed oo dalka Iran ugu xiran Burcadnimo kuwaasi oo lagu soo wareejin lahaa Puntland.

Ducaysane waxa uu sheegay inuu muddo ku hawlanaa qaabkii dhalinyaradan oo tira ahaan gaaraya 32 xabsigooda dalka ugu dhameysan lahaayeen, balse dadaalkaasi uu ka socon waayaydhinaca DFS.

Dowladda Iran ayaa horey u codsatay in dhalinyarada lagala wareego waxaan qoraal ka soo baxay Puntland lagu sheegay inay diyaar u tahay sidii loo keeni lahaa Puntland si ay ugu dhameystaan Xabsigooda.

Arinta ku aadan soo celinta dhalinyarada ku xiran dalka Iran ayaa soo jiitamaysay muddo waxayna gaartey Barlamanka Somalia iyadoo ilaa haatan waxba laga qaban.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM