​Dhagaweyne "Garoonka Diyaaradaha Galkacyo lama qabsan"

Image

GALKACYO, Puntland- Maareeyaha Guud ee Garoonka diyaaradaha Galkacyo Siciid Cabdiraxmaan Yusuf Dhagaweyne ayaa beeniyay warar sheegayay in ciidamo Kumaandoos ah oo katirsan dowladda Federalka Somalia lawareegeen gacanta ku haynta madaarka islamarkaana hakad galiyeen dulimaadyadii ka bixi jiray.

Dhagaweyne oo maanta Shir-jaraa'id ku qabtay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in warbaahinta fadhigeedu yahay magaalada Muqdishu baahiyaan warar aan sal iyo raad lahayn islamarkaana aysan xigan dadkii howshaas u xil-saarnaa.

Wuxuu xusay inay gacanta ku hayaan garoonka islamarkaana shaqadiisu u socoto qaabkii caadiga ahaa isagoo intaasi raaciyay inaysan jirin baahi loo qabo ciidamo dheeraad ah.

Maareeyaha ayaa saxaafadda ka dalbaday inay dhex-dhexaad u noqdaann bulshada islamarkaana wixii ku saabsan madaarka Galkacyo isaga kala soo xariiraan waqti kasta.

Hadalka Dhagaweyne ayaa yimi waqti yar uun kadib markii warbaahinta qaybteed lagu daabacay in ciidamada Danad ee sida gaarka ah u tabo baran xalay kasoo dageen garoonka diyaaradaha Galkacyo islamarkaana joojiyeen duulimaadyadii ka bixi jiray, kuwaasoo qorshahooda lagu sheegay inay sugi doonaan amniga gobolka Mudug islamarkaana la dagaalami doonaan Al Shabaab.

Ciidamada Danab oo si gaar ah u tabo-baran ayaa waxaa maalgaliya dalka Maraykanka kuwaasoo dhawr jeer oo hore howlgallo la fuliyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM