Dhalinyarada Iskuuladda iyo Jaamacadaha Garowe oo la wacyi galiyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

08 December, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe lagu qabtay aqoon isweydaarsi hal maalin soconaya oo loo qabtay dhalinyaro gaaraysa 50 qof oo laga soo xulay goobaha waxbarasho gaar ahaan Jaamacadaha iyo Iskuullada sare Caasumadda.

Dhalinta ayaa lasiinayay aqoon la xiriirta qaabkii loo joojin lahaa tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga, waxaana soo qaban qaabisay hay'adda UNFPA iyadoo ay fulisay dalladda dhalinyarada ee YPEER.

Waxaa ka soo qayb galay mas'uuliyiin ka socota wasaaradda dhalinyada iyo ciyaaraha Puntland, waxaana Agaasimaha wasaaradda Axmed Cabdallada Tigaana uu sheegay in loo baahanyahay wacyigalin loo sameeyo da'yarta Puntland.

Kamaal Daahir oo ka socday Hay'adda UNFPA una qaabilsan barnaamijyada dhalinyarada ayaa xusay in kulankan loogu tala galay sidii loo yarayn lahaa tacadiyadda la xiriira Jinsiga ee ka dhaca deegaanada Puntland, wuxuuna xusay in laga sameeyay hormarro wanaagsan.

Dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka dalladda dhalinyarada Puntland ee YPEER Maxamed Cabdulqaadir Shiine, ayaa tilmaamay inay soo xuleen dhalinyarada aqoonta leh, wuxuuna sheegay in lagu guda jiro waqtiga la xuso la dagaallanka tacadiga ka dhanka ah Jinsiga.

Wuxuu dhalinyarada u soo jeediyay inay waxbartaan oo aqoonta barnaamijkan ka faa'iidaan u gudbiyaan bulshada kale.

Sannad kasta 25 November, ilaa 10 December ayaa dunida lagu qabtaa kulamo ku saabsan qaabkii loo yarayn alaah tacadiyada kala duwan ee lagu kaco bulshada khaasatan kuwa la xiriira Jinsiyidda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM