​Dhalinyaro ka shaqaynaysa Qurxinta Galkacyo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Dhalinyarada magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyo Bahda Saxaafada oo iskaashanayaa ayaa bilaabay olole lagu qurxinayo magaalada, taasoo ku salaysan fikir iskaa wax u qabso ah.

Dhalinyarada ayaa ajandahooda iskaashi ku bilaabay Calaamadin lagu samaynayo waddooyinka Galkacyo qaybtood si loo yareeyo Shililka Gadiidka.

Qaar kamid ah dadka magaalada Galkacyo ayaa soo dhaweeyay fikirkan oo dhalintu sheegtay inay wadayaan.

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada gobolka Mudug ee Dudmudug Jacfar Yuusuf Cabdale ayaa sheegay inay Qorshahan bilaabeen dhalinyarada oo kaashanayaa degmada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha gobolaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasin Axmed Tumey ayaa dhankiisa tilmaamay inay soo dhawaynayaan in dhalinayrada ay ka qayb qaataan Bilic soo celinta xarunta gobolka Mudug.

Wadadii ugu horaysay ee maanta dhalinyaradu ay ka shaqaysay ayaa noqotay wadda Jaamac Biixi ee dhexmarta Xero Daraawiish.

Fikirkan ayaa kusoo aaday xilli dhawaan dhalinta gobolka Mudug ay waday barnaamijyo isku xir ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM