Dhalinyaro Sanaag laga qaaday oo go'doonsan Badda Cas [Dhagayso]

Image

09 September, 2015(GO)- Dhalinyaro Somaliyeed oo laga dhoofiyay xeebaha Badda Cas islamarkaana doonayay inay u tahriibaan Qaaradda Yurub ayaa go'doon ah sida ay sheegeen qaar ka mid ah walidiinta caruurtoodu doontaasi saranyihiin.

Tirada dhalinyaradasi oo lagu qiyaasay 30 illaa 40 ayaa doon laga saarey halka lagu magacaabo Dur-duri oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Waalidiinta oo la hadlay Idaacadda VOA iyagoo ku sugan Bosaso waxay sheegeen in caruurtoodu dul saaran yihiin Doon uu ka dhammaaday shidaalkii taasi oo dul sabaynaysa Biyaha Badda cas.

Waxay tilmaameen in caruurtooda la qalday isla markaana baraha kantaroolada lagu dhaafiyay inay yihiin Ciyaartooy iyadoo loo xirar dharka banooniga lagu ciyaaro, balse nasiib darro la saarey doonni u kiraysan Somali xiriir la leh xagjiriinta ka dagaalama Yemen, taasi oo qorshaheedu yahay sidii loo heli lahaa dhalinyaro la askareeyo.

Aadan Jaamac Maxamuud oo uu ka maqan yahay wiil 22 jir ah iyo iyo Hodan Faarax Cismaan oo uu ka maqan yahay wiil 18 sano jir ah, waxay sheegeen in caruurtooda ka cabsi qabaan in gacanta loo galiyo kooxa xagjiriinta ah gaar ahaa ururka Daacish.

Sida ay sheegeen waalidiinta waxaa jira dhalinyaro Somaliyeed oo horey gacanta loogu galiyay ururka Daacish iyagoo lagu qaaday nidaamka Tahriibta balse la geeyay Yemen oo loo furey tababar ciidanimo.

Dalka Somali ayaa dhalinyaradiisa waxay ku aadan tahriib wadamada Yurub halka kuwa kale ka qaby galanaan dagalada kooxaha xagjiriinta ah ka wadaan dalalka Siiriya, Ciraaq iyo Yamen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM