Dhalinyaro Sanaag laga qaaday oo go'doonsan Badda Cas [Dhagayso]

Image

09 September, 2015(GO)- Dhalinyaro Somaliyeed oo laga dhoofiyay xeebaha Badda Cas islamarkaana doonayay inay u tahriibaan Qaaradda Yurub ayaa go'doon ah sida ay sheegeen qaar ka mid ah walidiinta caruurtoodu doontaasi saranyihiin.

Tirada dhalinyaradasi oo lagu qiyaasay 30 illaa 40 ayaa doon laga saarey halka lagu magacaabo Dur-duri oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Waalidiinta oo la hadlay Idaacadda VOA iyagoo ku sugan Bosaso waxay sheegeen in caruurtoodu dul saaran yihiin Doon uu ka dhammaaday shidaalkii taasi oo dul sabaynaysa Biyaha Badda cas.

Waxay tilmaameen in caruurtooda la qalday isla markaana baraha kantaroolada lagu dhaafiyay inay yihiin Ciyaartooy iyadoo loo xirar dharka banooniga lagu ciyaaro, balse nasiib darro la saarey doonni u kiraysan Somali xiriir la leh xagjiriinta ka dagaalama Yemen, taasi oo qorshaheedu yahay sidii loo heli lahaa dhalinyaro la askareeyo.

Aadan Jaamac Maxamuud oo uu ka maqan yahay wiil 22 jir ah iyo iyo Hodan Faarax Cismaan oo uu ka maqan yahay wiil 18 sano jir ah, waxay sheegeen in caruurtooda ka cabsi qabaan in gacanta loo galiyo kooxa xagjiriinta ah gaar ahaa ururka Daacish.

Sida ay sheegeen waalidiinta waxaa jira dhalinyaro Somaliyeed oo horey gacanta loogu galiyay ururka Daacish iyagoo lagu qaaday nidaamka Tahriibta balse la geeyay Yemen oo loo furey tababar ciidanimo.

Dalka Somali ayaa dhalinyaradiisa waxay ku aadan tahriib wadamada Yurub halka kuwa kale ka qaby galanaan dagalada kooxaha xagjiriinta ah ka wadaan dalalka Siiriya, Ciraaq iyo Yamen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM