Dhalinyaro Shabaabnimo ku eedaysnaa oo xirriyadooda helay

Image

21 November, 2015(GO)-Waxaa maanta xorriyadoodii dib u helay afar dhalinyaro ku eedaysnaa inay ka mid yihiin ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama dalka Somalia.

Maxkamadda dambiyada culus ee gobollada Bari ayaa ku dhawaaqday xukunka dhallinatan oo lagu kala magacaabo;

  1. Aadan Xuseen Cali oo 14 sano 
  2. Cali Maxamad Cali oo isna 14 sano jir
  3. Ismaaciil Axmad Xasan oo 15 sano jir
  4. Dable Maxamad Axmad Maxamad oo 20 sano jir ah.

Maxkamadda ayaa markay dhagaysatay eedaha loo haysto dhalinyarada iyo qareemada difaacayay, ayaa waxaa lagu dhawaaqay go'aanka ka soo baxay.

Gudoomiyaha maxkamadda dambiyada culus ee gobollada Bari, Karkaar iyo Haylaan ee Puntland Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xakunka, wuxuuna sheegay in dhallintan lagu waayay dambiga ku eedaysanaayeen oo X.L2 la dagaalanka Argagaxisada.

Dhaawan maxkamdda ayaa sii daysay dhalinyaro sidaan oo kale muddo u xirnaa kiis ku saabsan ka mid ahaanshaha ururka Al-Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM