​Dhaqaatiir qalliin ka fulinaysa Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa shaacisay in horraanta bisha 08-aad magaalada Garowe ay imaan doonaan dhaqaatiir ajaanib ah kuwaasi oo qalliin lacag la'aan ah u samayn doona hooyooyinka qaybtood.

Dhaqaatiirtan oo kasoo jeeda dalka Sacuudiga 08 Augusto, 2016 muddo kooban daweyn doona cudurka loo yaqaanno Isku-furanka kaasoo ku dhaca haweenka.

Agaasimaha waaxda Caafimaadka Asaasiga ah ee wasaaradda Caafimaadka Cabdirasaaq Garweyne oo la hadlay Radio Garowe, ayaa dumarka ugu baaqay inay ka faa'iidaystaan fursadan, iyagoo iclaamiyay inay billaabeen diiwaangalinta dadka laga daweynayo cudurkaasi.

Garweyne, wuxuu sheegay in qorshahan dadaal dheer u gashay wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland,isagoo xusay in cudurkan yahay mid inta badan haweenku ka cowdaan, balse leh dawo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM