Dhegeysiga dacwada Radio Sahan iyo dowladda oo mar labaad dib loo dhigey

Image

August 16, 2015 (GO)- Maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa markii labaad muddo asbuuc gudihiis ah dib u dhigtey dhegeysiga dacwad u dhaxaysa Wasaarada Warfaafinta Puntland iyo Idaacadda Sahan.

Dowladda ayaa August 12, 2015 kusoo eedeysey Radio Sahan  warbixin ay ka qoreen sababaha keenay in uu baaqdo dabbaal degggii xuska Kowda Agoosto ee lagu qaban jirey Barxadda Garowe.

Eedeymaha Wasaaraddu usoo jeedisey Radio Sahan ayaa kala ahaa sidan:

  1.  In dowlada Puntland dhaqaale daro soo food saartey taasna ay keentey in munaasabada 1 August baaqato 
  2. In madaxtooyada Puntland ku baxo kharash farabadan 
  3. In kharash badan lagu soo kireeyey fanaaniin ka qayb gala xuska munaasabada 1 August.
  4. In kooxda Al-shabaab raadineyso fursado ay ku weerarto degaanada Puntland. 

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa sheegay inuusan weli helin eedo macaquul ah oo ka dhan ah Radio Sahan, sidaas darteed kiiskaas dhegeysigiisa dib loo dhigay.

Qareenka u doodaya Radio Sahan ayaa sharci daro ku tilmaamay eedeynta dowladda, maadaama warbaahintu xor tahay, xaqna u leedahay in ay sheegto dhaliilaha dowladda.

Waa markii ugu horreysey taariikhda Puntland ee dowladdu maxkamad la tiigsato warbaahin madax bannaan, arrintaas oo dadku aragtiyo kala duwan ka bixiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM