Dhegeysiga Dacwadii dowladda iyo Radio Sahan oo dib loo dhigay [DHEGEYSO]
August 12, 2015 (GO)- Maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa saaka dib u dhigtey dhegeysiga dacwad u dhaxaysa Wasaarada Warfaafinta Puntland iyo Idaacada Sahan oo dowladu kusoo dacweysey warbixin ay ka qoreen sababaha keenay in uu baaqdo dabbaal degggii xuska Kowda Agoosto ee lagu qaban jirey Barxadda Garowe.
Eedeymaha Wasaaraddu usoo jeedisey Radio Sahan ayaa kala ahaa sidan:
- In dowlada Puntland dhaqaale daro soo food saartey taasna ay keentey in munaasabada 1 August baaqato
- In madaxtooyada Puntland ku baxo kharash farabadan
- In kharash badan lagu soo kireeyey fanaaniin ka qayb gala xuska munaasabada 1 August.
- In kooxda Al-shabaab raadineyso fursado ay ku weerarto degaanada Puntland.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa sheegay inuusan weli helin eedo macaquul ah oo ka dhan ah Radio Sahan, sidaas darteed kiiskaas dhegeysigiisa dib loo dhigay.
Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale xusay in Dastuurka Puntland qabbo in lays dhaliilo, xoriyatul-qowlkuna furan yahay.
Madaxa Xafiiska Xuquuqul-aadanaha Puntland Maxamed Yusuf oo iska maxkamadda joogey ayaa sheegay in ay waqti dheer usoo qareemayeen sidii ay sharaciga sharciga ugu kala bixi lahaayeen Dowladda iyo Saxaafadd iyadoo aan lagu xad gudbayn xuquuqda warbahinta iyo hantideeda.
Gudoomiyaha Suxufiiyiinta Puntland ee MAP, Faysal Khaliif Barre, ayaa isna sheegay in ay wa lagu farxo tahay in sharciga ay ku kala baxaan Saxaafadda iyo Dowlada Puntland.
"Ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP ayaa waxay dhamaantood ku faraxsan yihiin isla markaasina ay soo dhawaynayaan in xukuumada PL ay qaadato go'aan qaan-gaarnimo ah oo cabasha ay ka qabaan saxaafada u gudbiyaan si sharci ah" ayuu yiri Faysal.
Ugu dambayntii Gudoomiye Faysal ayaa ku boorriyey Dowlada in eedaha iyo dacwadaha ay ka soo gubinayaan saxaafaddu noqdaan kuwo ku saleysan shuruucda Puntland, balse aysan noqon kuwo loogu caga juglaynayo warbaahinta.
GAROWE ONLNIE