Dhibaatada shirkadaha isgaarsiinta iyo biyaha ku haysaan laamiyada Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Magaalada Garoowe waxaa aad ugu soo badanaya dhibaatada ay shirkadaha bixiya adeegyada Isgaadhsiinta iyo biyaha la cabbo u geystaan waddooyinka laamiga ah ee lagu dhiso dhaqaalaha shacabka iyo deeqaha caalamku ku kaalmeeyo horumarinta Soomaaliya.

Laamiga wadnaha ah ee Garoowe iyo inta badan laamiyada laga hirgeliyey xaafadaha Garoowe ka kooban tahay waxaa laga tallaabiyey Fiilooyinka xambaarsan adeegyada isgaadhsiinta iyo tuubooyinka biyaha qaada, waxaana intooda badan ay ka tagaan marinkii la jeexay oo ciid lagu duugey ama ay ku shubeen daamir maalmo kadib shiilma.

Goobahaas waxaa ka dhasha inta badan burbur laamiga soo gaarey, halis soo wajahdey gaadiidka isticmaala laamiyada, turunturo ay kala kulmaan dadka lugaynaya iyo marinka oo mararka qaar isku bedeli kara biyo mareen laamigu ka jeexmo.

Shirkaduhu waxay fushadaan dantooda oo kaliya mana muuqato in lagula xisaabtamo inta badan dayaca ka dhasha laamiga ah burburka gaarsiiyaan, waxaana Injineero dhanka waddooyinka ah ii xaqiijiyeen in ficilada noocaan ah sababi karaan inuu soo gaabto cimrigii jiritaanka jidka maadaama mashiinada lagu jeexayo ay gaarsiinayaan qarax iyo dil-dillaac, kadibna laamigu uu u fagmi doono hab sahlan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM