Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Image
Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

GAROWE, Puntland - Dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo werinayaa xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, kadib dagaal gacanta ah oo dhex maray Ciidanka xabsiga dhex iyo maxaabiis u xiran dembiyo kala duwan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in mid kamid ah maxaabiista uu geeryooday, 10 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray, 4 ka mid ah ayaa la sheegay in dhaawacyadooda ay yihiin kuwo culus oo hadda xarumaha caafimaadka lagula tacaalayo.

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay xabsiga, xilli ehelada marxuumka iyo kuwa dhaawacmay ay dalbanayaan in baaritaan sax lagu sameeyo sida wax u dhaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM