Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Image
Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

GAROWE, Puntland - Dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo werinayaa xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, kadib dagaal gacanta ah oo dhex maray Ciidanka xabsiga dhex iyo maxaabiis u xiran dembiyo kala duwan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in mid kamid ah maxaabiista uu geeryooday, 10 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray, 4 ka mid ah ayaa la sheegay in dhaawacyadooda ay yihiin kuwo culus oo hadda xarumaha caafimaadka lagula tacaalayo.

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay xabsiga, xilli ehelada marxuumka iyo kuwa dhaawacmay ay dalbanayaan in baaritaan sax lagu sameeyo sida wax u dhaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM