Dhismaha garoonka Garowe iyo Jamacada Maakhir oo la bilaabayo

Image

July 30, 2015 (GO)- Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa maanta lagu saxiixay heshiiska dhismaha garoonka diyaaradaha ee Garowe iyo Jaamacadda Maakhir ee magaalada Badhan.

Qandaraaska labadan mashruuc oo ay shirkado dhowr ahi ku tartameen waxa lagu daah furay isla magaalada Dubai, March 23,2015.

Labo shirkadood oo lagu kala magacaabo MITAK iyo CEC ayaa ku guuleystey qandaraaska. Shirkadda MITAK ayaa dhisi doonta garoonka diyaaradaha ee Garowe halka shirkadda CEC dhisi doonto Jaamacadda Makhir ee Badhan.

Bisha December ee soo socota ayey howsha dhismuhu si toos ah u bilaaban doonaan, waxayna socon doontaa muddo sanad ah.

Mashaariicdan oo muddo dheer laga soo shaqeynayey soona bilowday xilligii Madaxweyne Farole, waxaa dhaqaalaha ku baxaya ku deeqday Dowladda Kuwait, iyadoo soo marsiineysa hay'adda dhanka horumarinta dalkaas u qaabilsan ee Kuwait Fund.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM