Dhismaha golaha degaanka degmada Eyl oo wali la isku fahmin
GAROWE, Puntland – Dhismaha golaha degaanka degmadda Eyl ayaa wali hakad ku jirta sababo ku aadan kala qeybsanaanta ka dhex-jirta Ururka dowladda ee haysta aqlabiyada ee KAAH, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.
Guddoomiyihii hore ee degmadda Eyl, Muuse Cismaan Yuusuf, iyo ku xigeenkiisa, Faysal Khaliif Wacays, ayaa lagu soo waramay in ay kala hogaaminayaan labada garab ee kuraasta Ururka KAAH u kala jabeen oo kala ah 6 iyo 7 xubnood.
Tani ayaa dib-u-dhigtey doorashadda golaha degaanka oo loo balansanaa afar casho kahor. Sidoo kale, waxay kala qeybsanaantan horseeday in bulshadda uu kasoo jeedo Muuse ay qabsadaan goobtii ay ka dhici lahayd coddeynta.
GO ayaa ogaaday in urur siyaasadeedyadda kala ay xoojiyeen garabka Faysal taasoo siisey aqlabiyadda golaha ama kalsooni ah in uu labinta helayo haddii codka loo dareero.
Tafaasiisha ayaa intaas ku dareysa iska hor=imaadyo goobta ka dhacay ay sababeen waxyeelo soo gaartey askar ka tirsan booliska Puntland oo ilaalo ka hayey meesha.
Waanwanata dowladda bilowday
Dowladda Puntland ayaa Eyl u dirtay wafdi ay hogaaminayaan wasiiradda Maaliyadda iyo Dastuurka – Xasan Shire Abgaal iyo Cawil Sheekh Xaamuud. Sidoo kale, waxaa qeyb ka ahaa ciidamo maleyshiyadda ka saarta goobta doorashadda.
Warbixinadda laga helayo waanwaantan ayaa muujinaya in illaa haatan aan la gaarin wax natiijo ah wax ku ool ah. Wasiiradda oo dhowr jeer la fadhiistay heybta uu kasoo jeedo Muuse ayaa ku guuldareystay in ay ku qanciyaan aqbaliyada coddeynta.
Muuse iyo Faysal ayaa madax ka ahaa degmadda labadii dowladood ee Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiwali Gaas. Xukuumadda Deni ayaa u ogolaatay in ay mar kale tartamaan doorashaddii tooska ahayd ee dhacdey 25-kii October.
Guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland ayaa lagu eedeeyay in u uku fashilmay xakameynta musuqmaasuqa coddeynta saddexda degmo. Ururadda Siyaasadda iyo dowladda ayaa kal dambe isku fahmay in la qabto doorashada golaha degaanka saddexda degmo ooh ore aan u jirin.
Urur siyaasadeedyadda ka jira Puntland oo uu kamid yahay kan xukuumadda madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ee KAAH ayaa laga yeeshay aqlabiyadda goleyaasha degaanka ee Qardho iyo Ufeyn. Mideeye iyo Sinaan & Cadaalad ayaana hantey.
GAROWE ONLINE