Dhismaha Madaxtooyadda dowladda Puntland oo la balaarinayo

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray dhismeyaasha cusub ee lagu kordhinayo Qasriga Madaxtooyada kuwaasi oo meel wanaagsan maraya iyo sida ay u socoto horumarinta bilicda xarunta Madaxtooyada.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xarumaha uu kormeeray waxaa ka mid ah dhismaha hoolka shirarka ee weyn, qeybta casriga ah ee loo dhisayo soo dhoweynta martida oo booqashada ah, dhismeyaasha xarumo kulan oo cusub iyo beerta nasashada ee xarunta Madaxtooyada taasi oo kor uqaaday bilicda Qasriga Madaxtooyada.

Koormeerka waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Madaxtooyada Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geedi, oo la wadaagay Madaxweyne ku-xigeenka warbixinta shaqada dhismeyaasha ka socda xarunta madaxtooyada oo meel gebogebo ah maraya.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM