Dhismaha Madaxtooyadda dowladda Puntland oo la balaarinayo

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray dhismeyaasha cusub ee lagu kordhinayo Qasriga Madaxtooyada kuwaasi oo meel wanaagsan maraya iyo sida ay u socoto horumarinta bilicda xarunta Madaxtooyada.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xarumaha uu kormeeray waxaa ka mid ah dhismaha hoolka shirarka ee weyn, qeybta casriga ah ee loo dhisayo soo dhoweynta martida oo booqashada ah, dhismeyaasha xarumo kulan oo cusub iyo beerta nasashada ee xarunta Madaxtooyada taasi oo kor uqaaday bilicda Qasriga Madaxtooyada.

Koormeerka waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Madaxtooyada Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geedi, oo la wadaagay Madaxweyne ku-xigeenka warbixinta shaqada dhismeyaasha ka socda xarunta madaxtooyada oo meel gebogebo ah maraya.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM