Dhismaha wadada isku xirta Dangoroyo iyo Eyl oo la dhagax-dhigay

Image
Image
Image
Image
Munaasabadda dhaggax dhiga Wadada Dangoroyo-Eyl, waxaa kala qeybgalay Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka dhaggax dhigay dhismaha Wadada isku xirta degmada Dangoroyo iyo Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal. 

Wadadan oo dhererkeedu yahay 105KM ayaa waxaa dhisaysa Dowladda Puntland waana qorshaha Dowladda ee Cashuurta dalka dib loogu celinayo laguna dhisayo, Iyadoo Bulshada deegaankuna ka qeyb qaadanayaan. 

Munaasabadda dhaggax dhiga Wadada Dangoroyo-Eyl, waxaa kala qeybgalay Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Degmada Dangoroyo, Waxgaradka, Nabadoonada, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Dangoroyo, dhammaantood dadka deegaanka ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha dhismaha Wadadan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM