Dhismaha wadada isku xirta Dangoroyo iyo Eyl oo la dhagax-dhigay

Image
Image
Image
Image
Munaasabadda dhaggax dhiga Wadada Dangoroyo-Eyl, waxaa kala qeybgalay Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka dhaggax dhigay dhismaha Wadada isku xirta degmada Dangoroyo iyo Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal. 

Wadadan oo dhererkeedu yahay 105KM ayaa waxaa dhisaysa Dowladda Puntland waana qorshaha Dowladda ee Cashuurta dalka dib loogu celinayo laguna dhisayo, Iyadoo Bulshada deegaankuna ka qeyb qaadanayaan. 

Munaasabadda dhaggax dhiga Wadada Dangoroyo-Eyl, waxaa kala qeybgalay Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Degmada Dangoroyo, Waxgaradka, Nabadoonada, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Dangoroyo, dhammaantood dadka deegaanka ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha dhismaha Wadadan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM