​Dhoolawaa "La igalama tashan xafiiska Garowe"

Image

GAROWE- Agaasimaha Guud ee Macdanta iyo Shidaalka Puntland, ayaa ka hadlay xafiis madaxweyne ku-xigeenka Puntland shalay 05 Maarso ka furay magalada Garowe, kaasi oo lagu sheegay inuu yahay xafiiskii ugu horeeyay ee hay'addu caasumadda ku yeelato.

Ciise Dhoolawaa, oo la hadlay Radio Garowe ayaa ugu horayn cadeeyay cidda hay'addaasi madax ka ah, maadama goobta xarig jar ku xigeenka Puntland ku magac dhabay ku-xigeenkiisa.

Agaasimaha ayaa xusay inuu isagu weli hay'adda madax ka yahay islamarkaasna aysan soo gaarin waraaq ama tuhun sheegaya in xilka laga qaaday isagoo tilmaamay in arrintaasi kala cadayn doono Madaxweyne ku- xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay.

Agaasimaha oo ku sugan waddanka Australia, ayaa cadeeyay in furitaanka xafiiska Garowe aan lagala  tashan, isagoo tilmaamay ineysan fiicneyn in  madaxweyne ku-xigeenka Puntland xaqiro xafiiskan oo horay uga furnaa caasumadda Puntland.

Tallaabadan, ayuu xusay Ciise Dhoolawaa in ku dhaqaaqeen xubno ka tirsan dowladda, wuxuuna wasiirro goobta joogay ku dhaliilay inay ka aamuseen xaqiritaanka lagu sameeyay xafiiska hay'adda.

Agaasimaha ayaa sheegay inuu tallaabadan kala hadlay madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, isagoo xusay inuusan la socon waxa ka dhacay magalada Garowe.

Dhoolawa mar wax laga weydiiyay in arrintaan la xiriirto tuhun ka dhex jira isaga iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland, wuxuuna cadeeyay inuusan isagu arrimahaasi ka warqabin.

Hadalkan, ayaa yimi xilli magalada Garwe shalay lagu daah furay xafiis lagu sheegay inuu yahay kii ugu horeeyay ee hay'adda Macdanta iyo Shidaalka Puntland ku yeelato magalada Garowe caasumadda Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM