Dib-u-eegis lagu sameysay heshiiska dekedda Boosaaso ee DP World

Image
Madaxwayne Deni ayaa sheegay in talaabadan ay meesha ka saartey shirkaddii marsada maamuleysay ee P&O.

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sheegay in uu dib u eegis lagu sameeyay heshiiska dekedda Boosaaso ee DP World, meeshana laga saaraya shirkaddii dekedda maamuleysay ee P&O.

Deni ayaa sheegay in shirkad cusub oo hoostagta DP-WORLD uu ku wareejiyay Dekedda Boosaaso, taas oo ka dhigan in Dowladda Puntland 25% ku leedahay saamiga halka inta kale ay qaadaneyso Shirkaddaas laga leeyahay isutagga Imaaraatka Carabta.

“Shirkadda abuurantay waxaa wada leh DP-World iyo Puntland, waxaana ku leenahay 25% inta kalena waxaa qaadaneysa DP-World, waxaa saaran mas’uuliyad ah in ay wax badan ka qabato horumarinta Dekedda” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Howlaha laga sugayo Shirkadda cusub waxaa ka mid ah dib u hagaajinta Dekedda Boosaaso, dhammeystirka howlihii qabyada u ahaa P&O ee sababay in fashil uu ku yimaado heshiiska iyo waxyaabaha kale ee laga rabo.

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Dowladda Puntland waxa uu si cad u sheegay in Shirkadda P&O Port oo dacwad kasoo gudbiyeen Odoyaasha dhaqanka Boosaaso in ay ku fashilantay fulinta ballamadii ay galeen oo ah dib u habeynta Dekeddaas.

“Shirkaddii P&O port waxa ay ku fashilantay in ay qabatasho qadashadii loo igmaday, DP-WORLD si toos ah uma maamuli jirin waxaana ceeb ku noqotay sida P&O ay wax u maamushay sidaas awgeed ayay la wareegtay oo waxa ay soo dirsatay shirkad cusub oo aan dib kasoo sheegi doono magaceeda” ayuu yiri Siciid Deni.

Odoyaasha dhaqanka ee Magaalada Boosaaso ayaa Madaxweyne Siciid Deni ka dalbaday in Shirkadda P&O ee hoostagta DP-World laga wareejiyo maamulka Dekedda Boosaaso kaddib markii ay ku eedeeyeen in aysan waxba ka qaban ballanqaadyadii ay horay u sameysay.

Heshiiska ay galeen Dowladda Puntland iyo shirkada DP-WORLD ayaa dhigaya in shirkaddan maamusho dekedda Boosaaso, muddo 30 sano ah si dib u dhis iyo casriyeyn ay ugu sameyso dekadaan oo xudun u ah ganacsiga Waqooyiga iyo Bartamaha Soomaaliya.

Waa mashruuc uu ku baxayo kharash gaaraya $336 milyan oo dollar, sida ku xusnayd heshiiskii la shaaciyay ee la isla gaaray ee baarlamaanka Puntland uu ansixiyay sannadkii 2017-kii.

Sidoo kale, heshiiskaas ayaa waxaa lagu sheegay in inta dhismaha uu socdo, shirkadda DP World in ay dhiseyso deked yar oo macmal ah oo shaqada kusii kala socoto, illaa dekadda weyn ay gabi ahaanba diyaar noqoneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM