Dibadbax rabshad wata oo Laascaanood ka dhacay iyo dad dhintey

Image

May 18, 2015 (GO)- Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintey saddex kalena way ku dhaawacmeen dibad-bax rabshad wata oo maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Booliska ayaa rasaas ku furey dibad-baxeyaal careysan oo dhigayey muddaaharaad ka dhan maamulka Somaliland oo maanta u dabbaal degayey sanad-guuradii 24 ee kasoo wareegtey markii dhidibada loo taagey.

Dhinaca kale, waxaa isla degmada Laascaanood maanta ka dhacay munaasabado loogu dabbaal degayo sanad-guurada Somaliland.

Xaaladda ayaa caawa ah mid deggen, waxaana la maqlayaa rasaas ciidamada boolisku mararka qaar ridayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM