Difaacaha Xuquuda Aadanaha Puntland oo Shaaciyey Wabixintiisa Sanadlaha

Image

Halkan waxaan ku soo bandhigeynaa warbixinta 1aad ee sanadlaha ah ee Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo la aasaasay

27kii Nofeembar 2014. Warbixinta waxay qayb ka tahay xuska sanad guurada 1aad ee xafiiska waxaana lagu maamuusayaa soo saarista warbixintan xambaarsan ujeedooyinka loo aasaasay xafiiska iyo waxqabadkiisa mudada sanadka ah ee uu jiray.

Mudada sanadka ah ee aanu shaqayneynay waxaan xoogga saarnay sidii aan dhidibada ugu aasi lahayn hey'adda iyo sidii aan bulshada u gaarsiin lahayn adeega hey'addu u hayso, ayna uga faa'iidaysan lahaayeen sidii aan uga hortagi lahayn tacadiyada iyo gaboodfalada xuquuqda aadanaha ee ka dhaca geyiga Puntland.

Waxaan booqashooyin kormeer, indha-indhayn, kullamo, u-kuurgelid, wadahadal iyo weydiimo ku samaynay dhamaan xarumaha xukuumadda, sida wasaaradaha, hey'adaha dowladda ee madaxbnaan iyo kuwa aan madaxabanaanayn, xabsiyada, saldhigyada booliska iyo maxkamadaha magaalooyinka Garowe, Bosaso, Galkacyo iyo Qardho.

Waxaan sidoo kale kulamo la yeelanay bulshada rayidka ah qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan hey'adda PUNSAA iyo xarumaha bixiya adeega sharciga ee lacag la'aanta, dalladda naafada Puntland, xarumaha dhimirka ururada dhalinyarada, iyo jaamacadaha. Waxaan booqanay kaamamka ay degen yihiin dadka barakacayaasha ah, waxaan kormeernay xarunta soo dhawaynta dadka qaxootiga ee yemen ka soo noqday, waxaan kulamo la qaadanay gudoomiyayaasha kaamamka Bosaso iyo Garowe. Waxaan xiriir dhow la yeelanay hey'adaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah ee ku lug leh xuquuqda aadanaha, horumarka bulshada, nabadda iyo cadaaladda.

Mudada xafiisku uu shaqaynaayey waxaa nasoo gaaray 49 cabasho, qaybtood waxaan ku guulaysanay inaan dhamayno/xalinno halka qaybaha kale maxkamadaha ay horyaalaan, faylashooda weli gacanta ayaan ku haynaa. Waxaa intaa dheer waxaa noo yimi cabashooyin aan la xiriirin xuquuqda aadanaha oo aan u tilmaamnay cida shaqada ku leh anagoo talo bixin sharci siinayna.

Hadaba, warbixintan waxay iftiimin doontaa xafiiska xuquuqda aadanaha, dowrkiisaa sharci, howlaha uu fuliyey mudadii sanadka ahayd ee uu jiray, caqabadaha ka horyimi iyo talooyin ku wajahan golayaasha dowladda ee golaha xukuumadda, golaha garsoorka iyo golaha wakiilada Puntland.

Ugu danbeyntii warbxintan waxay noqon doontaa dhigaal taariikheed oo halbeeg u noqda howlaha iyo adeegyada xafiisku u qabanayo dadka iyo dalka oo leh meel loogu noqdo horumarka la gaaro ama dibudhaca nagu yimaada.

   HALKAN KA AKHRISO WARBIXINTAAN OO DHAMEYSTIRAN: OPHRD ANNUAL REPORT IN SOMALI VERSION.pdf

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM