Dimuqraadiyada "sakatuuradda" ee Puntland oo jiho cusub qaaday

Image
Qaar kamdi ah ururada siyaasada ayaa ku qeexay Deni "mid aan lahayn dhaqan dimuqraadiyeed".

GAROWE, Puntland - Gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee Degmada Garowe, Cabdulqaadir Geedi iyo ururka KAAH, ayaa dhawaanahan cadaadis ku haya xaafadaha caasimadda iyada oo laga doonayo in ay qayb ka noqdaan ololaha KAAH waxaana xabsiga la dhigay Gudoomiye xaafadeed oo arintaas ka biyo diiday.

Ururka KAAH ayaa habeenkii 16-kii April 2023 ee Axadu sii baxaysay Isniin soo galaysay waxaa uu galay xafiiska xaafadda Hanti-wadaag ee magaala madaxda.

Ganjeelka banaanka iyo dhamaan xafiisyada gudaha ayaa laga badashay sakatuuradii iyada oo aan wax wargelin ah la siinin gudoomiyihii xaafadda oo galabnimadaas uun xabsiga laga soo daayay.

Gudoomiyaha xaafadda Hanti-wadaag, Bashiir Maxamed Maxamuud oo Garowe Online la hadlay, ayaa tibaaxay in ay arintaan horboodayaan masuuliyiinta degmada oo iyagu ah xubnaha ololaha ururka KAAH u xil saaran.

"Waxaa layaab igu noqotay galabkii markaan xabsigii sharci darada ahaa kasoo baxay intii ay habeenimada ahayd in duulaan sharci darro ah lagu qaaday xafiiskii xaafadda isla markaana laga badashay dhamaan sakatuurooyinkii, waa arin layaab leh," ayuu yiri.

Ururada siyaasadda Puntland ee qaadacay hanaankaan lagu muran-san yahay ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni "mid aan lahayn dhaqan dimuqraadiyeed isla markaana doonaya dano gaar ah".

Wasiirka Arimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxa ayaa dhawaan ku amray gudoomiyayaasha degmooyinka iyo gobalada in aan lagu cadaadin aragti gaar hormuudyada xaafadaha balse amarkaasi ayaa u muuqda mid aan fulin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM