Dimuqraadiyeynta Puntland iyo goleyaasha deegaanka maxaa iskaga xiran?

Image

August 3, 2015 (GO)- Iyadoo xilligan dadka reer Puntland si weyn ugu hanqal taagayaan hirgelinta barnaamijka dimuqraadiyeynta iyo nidaamka axsaabta badan, ayaa waxaa muuqata in dowladda Madaxweyne Gaas hoggaamiyo ay arrintaas si weyn uga caga jiideyso.

Khudbaddii ugu dambeysey ee Madaxweynuhu ka jeediyey xuska Kowda Agoosto, wuxuu ku sheegay in sida ugu dhaqasaha badan dib loogu ambaqaadi doono barnaamijka dimuqraadiyeynta, haseyeeshee xilli cayiman ma uusan carrabaabin.

Madaxweynuhu wuxuu dhanka kale xusay in la dhisay goleyaal deegaan oo labaatan gaaraya, kuwaasoo qayb ka ah dadaallada loogu gogol xaarayo sidii nidaamka maamul ee Puntalnd u noqon lahaa mid dimuqraadiyad ku saleysan.

Arrintaas iyada ah dad badan ayaa calaamad su'aal geliyey! Waxay dadka siyaasadda u dhuun dalolaaa is weydiiyeen "Maxaa iskaga xiran barnaamijka dimuqraadiyeynta iyo dhismaha goleyaasha deegaanka?!" 

Su'aashi wa mid isweydiin mudan, sababtoo ah xildhibaannada goleyaasha deegaanka waxaa laga soo dhex xulaa bulshada, howsha soo xulistana waxaa xooggeeda qabta hoggaamiyeyaasha dhaqanka, inkastoo dowladuna kaalin mug leh ka qaadato.

Hadaba hadii ay sidaas tahay, maxaa diidaya in loo maleeyo, in dowladdu marka koowaad xoogga saareyso dhismaha goleyaal deegaan oo muxaafid ah, kuwaas oo hadhow qayb libaax ka qaadan doona ololaha xisbul xaakimka? Waaba hadii ay dhacdee.

Khudbadii Madaxweynaha, waxaa sidoo kale ku jirtey in dhowaan la dhisi doono guddiga doorashooyinka. Guddigaas oo halbowle u ah hawsha dimuqraadiyeynta, dhowr mar oo hore ayuu Madaxweynuhu sidan oo kale u ballan qaadey inuu soo magacaabayo.

Dowladdii hore ee Madaxweyne Farole hoggaaminayey ayaaa dadaal badan ku bixisay sidii nidaamka maamul ee Puntland looga rari lahaa habka qabiilka islamarkaana looga dhigi lahaa nidaam dimuqraadi ah oo ay ku tartamaan axsaab badan, kuwaasoo leh afkaar siyaasadeed oo kala duwan.

Caqabado badan ayaa ka horyimid in barnaamijkaasi hirgalo, haba ugu weynaato siyaasiyiin dano gaara lahaa oo faafiyey dacaayado been ah, islamarkaana horseeday rabshado dhiig ku daatay. Si looga baaqsado burbur iyo in midnimada iyo jiritaanka Puntland wax soo gaaraan ayaa markii dambe loo baajiyey barnaamijkii dimuqraadiyeenta Putland, kaas oo dhaqaalaha ku baxaya beesha caalamku ku deeqday.

Waxaa xusid mudan, in Cabdiweli Gaas markii la doortay kadib ballan qaaday in sanadka ugu horreeya muddo-xileedkiisa uu ku hirgelin doono barnaamijka dimuqraadiyeynta iyo nidaam siyaasadeedka axsaabta badan.

Qaar badan oo kamid ah dadka ka faallooda siyaasadda Puntland ayaa aaminsan in doorashada soo socota ee Puntland, u dhici doonto qaabkii hore ee soo jireenka ahaa, kaasoo ku saleysan hab-qaybsiga qabaa'ilka, madaxda dhaqankuna hormuud ka yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM