​Diyaar-garow xooggan oo Garowe ka socda [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Diyaar-garow xooggan ayaa kasocda magaalo madaxda Puntland ee Garowe, waxaana mashquul siyaado ah soo food saaray waddooyinka halbowlaha ah ee dhexmara magalada kuwaas oo ay buux dhaafiyeen dad iyo baabuur.

Mashquulkan ayaa yimi 10-kii dambe ee bisha Ramadaan, waxaana dadweynuhu isu diyaarinayaan maalinta ciida ee fooda nagu haysa.

Camerada Garowe Online, ayaa galabta soo dhexmartay wadada ugu mashquulka badan ee magaalada Garowe, waxayna dareenkooda weydiisay qaar kamid ah shacabka iyo ganacsatada suuqyada.

Bulshada ayaa aad usoo dhaweeyay maalinta ciidda ee qadarta yar inaga xigo, waxayna intaasi ku dareen inuu jiro sicir barar dhanka suuqa ah.

Qaar kamid ah ganacsatada ayaa GO u sheegay in sannadkii kii hore ka yara badalanyahay kalkan iyagoo xusay in badeecadu sare u kacday islamarkaana iibka suuqo uu hooseeyay.

Maalinta Talaadada ama Arbacada ayaa lagu wadaa in laga Ciido waddamada muslimka ee dunida guudkeeda saaran.

GAROWEONLIN

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM