Barnaamijka D. Wadaag oo shaqaalaha rayidka looga hadlay

Image

Sept 27, 2014 (GO)- Barnaamika Doodwadaag oo Jimce kasta ka baxa Radio Garowe ayaa todobaadkan looga hadlay dib u habaynta shaqaalaha rayidka lagu samaynayo iyo qaabka loo shaqaalaysiiyo dadka shaqao doonka ah.

Barnaamijka oo Weriye Axmed Cawil Jaawac uusoo diyaariyey waxaa lagu marti qaaday Agaasimaha Hay'adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Mustafe Shabac, Agaasime ku xigeenkii hore ee shaqaalaha rayidka ah Jaamac Xirsi Faarax, iyo Cabdikariin Xuseen Xasan oo ka mid ah shaqaalaha rayidka ah.

Mustafe Shabac ayaa sheegay Hay'adda Shaqaalaha Rayidka Puntland inay u xil saaran tahay tayaynta shaqaalaha rayidka ah iyo qorista shaqalaha, wuxuuna intaas raaciyay inay wadaan barnaamij ay dib ugu habaynayaan shaqaalaha raydika ah.

Jaamac Xirsi Faarax ayaa dhankiisa soo dhaweeyay tartanka loo galaya shaqooyinka dowladda ka banaan, wuxuna sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in kor loo qaado aqoonta iyo tiradda shaqalaha.

Barnaamijka Doodwadaag sidoo kale waxaa ka qayb galay qaar kamid ah dhallinyaradda jaamacadaha kasoo baxay oo tartan u galay shaqooyin ay soo dhajisay wasaradda deegaanku.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM