Doon Kalluumaysi oo lagu qafaashay Biyaha Puntland [Dhagayso]

Image

23 November, 2015(GO)-Burcad Badeed Somali ah ayaa la soo sheegayaa inay Doon ku qafaasheen meel u dhaw degmada Eyl gobolka Nugal, isla markaana la aadeen dhinaca Galmudug.

Falkan waxaa gaystay saddex nin oo Somali ah, waxaan Doontan laga leeyahay dalka Pakistan balse waxay ku gooshaysay calanka Iran.

Agaasimaha la dagaallanka Burcad Badeeda Puntland Cabdirasaaq Maxamed Dirir Ducasane oo la hadlay Radio Garowe ayaa falkan xaqiijiyay, wuxuuna cadeeyay in ilaa xalay biyaha Somalia lagu arkayay Doonyo Kalluumaysi sharci darro ah oo u tagayay maraakiib ganacsi oo ku sugan Somalia.

Doonta la qafaashay ayuu tilmaamay in loo jiheeyay deegaan lagu magacaabo Ceel Huur oo ka arrimo maamulka Galmudug, waxaana saarna 15 bad-maax.

Burcadda ayaa sidoo kale sii daysay Doon laga leeyahay dalka Thailand, waxaan arrintaasi xaqiijisay dowladda Thailand sida uu sheegay Cabdirsaaq Ducaysane.

Arrintan ayuu sheegay agaasimuhu inay soo celinayso suuqii Burcadda ee xeebaha Somalia kuwaaso oo Puntland laga suuliyay 2012 xilligii Madaxweyne Cabdiraxmaan Farole.

Falkan, waxaa horay uga digay Kalluumasata ku sugan xeebaha Puntland, kuwaasi dhibaatooyin kala duwan kala kulmo maraakiibta Jiriiflayaasha ee guranaya khayraadka Badda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM