Doon kalluumeysi la qafaashay oo lagu arkay xeebaha Puntland

Image
Dhaqdhaqaaqii ugu dambeysay ayaa laga soo sheegay degaanka Jiifle oo hoostagga degmada Godon-jiiraan ee gobolka Nugaal.

GAROWE, Puntland - Doon kalluumeysi oo lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya  ayaa Sabtidii shalay ahayd deked ku taalla maamul goboleedka Puntland, sidda ay ku warantay Reuters.

Wakaaladda wararka laga leeyahay UK ayaa ku warantay in doontan ay kooxda afduubatay shalay ka kaxeeyeen degaanka Jiifle oo hoostagga degmada Godon-jiiraan ee gobolka Nugaal.

Warbixinta ayaa soo xigatay Hay’adda Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Ingiriiska taas oo marka magaceeda lasoo gaabiyo aad loogu garan-ogyahay UKMTO.

War qoraal ah oo kasoo baxay UKMTO ayaa lagu caddeeyay Hay’adda Ammaanka Badaha Geeska Afrika (MSCHOA) ay soo warisay in doontan oo magaceeda la sheegin ay saarnaayeen 11 dabley ah

"Maraakiibta waxaa lagula talinayaa inay si taxaddar leh ugu gudbaan oo ay u soo sheegaan UKMTO dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiy," ayay hay'adda raacisay hadalkeeda.

Burcad-badeeda Soomaaliya ayaa la tuhunsan yahay in ay geysteen saddex weerar oo lagu qafaashay maraakiib tan iyo bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2023-ka.

Labo weerar burcad-badeed ayaa ka dhacay Badda Carbeed, halka mid kale laga soo wariyay Gacanka Cadmeed. Falalkan waxaa si weyn loogu tiiriyay in ay maalgelineyso kooxda Xuutiyiinta Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM