​Dooni Shabaab qaadi lahayd oo nawaaxiga garacad lagu qabtay

Image

GALKACYO- Gudoomiyaha deegaanka Garacad gobolka Mudug ayaa sheegay in qiyaastii meel deegaankaasi u jirta 80KM lagu qabtay dooni waday labo nin oo la sheegay inay u socdeen koox katirsan Shabaab kuwaasi oo ka firxaday dagallo ka dhacay gobolka Mudug. 

Cabdinuur Cabdullaahi Xirsi oo la hadlay Radio Garowe, ayaa tilmaamay in raggaasi gacanta lagu hayo islamarkaana ay doonayeen inay qaadaan 14 kamid ah ururka Shabaab kuwaasi oo ku sugan deegaan lagu magacaabo Soon-dheer, kuwaasi oo doonayay inay dib ugu laabtaan deegaanka Xarardheer oo markii hore ka yimaadeen. 

Gudoomiyuhu, wuxuu sheegay inuu socdo howlgal lagu soo qabanayo kooxdaasi isagoo tilmaamay in ammaanka deegaanka Garacad uu yahay mid wanaagsan kadib markii dhawaan ay kasoo dageen boqolaal ciidamo katirsan kooxda Shabaab. 

Arrintan, ayaa timi kadib markii dhawaan dowladda Puntland shaacisay inay soo afjareen dagaal lala galay koox katirsan mallayshiyaadka Shabaab kuwaasi oo dhawaan soo gaaray gobolka Mudug, waxaana jiray firxad dagaalkaasi kabaxsaday oo badankood galeen dhinaca Galmudug halkaasi uu ku qabsaday dagaal xooggan oo sababay in laqabto in kabadan boqol ruux tiro kale oo intaasi kabadanna la qabtay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM