Doonyo lagu soo qabtay kalluumeysi sharci darro ah oo lasii daayay

Image
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu eedeeyay in uusan u waajihin si daah-furan xalinta jariifka.

GAROWE, Puntland - Puntland ayaa dhawaan hawlgallo ay Wasaaradda Maaliyadda Puntland samaysay waxay kusoo qabtay illaa lix doonyood oo ay ku eedeysay in jariif sharci darro ah ka samaynayeen xeebaha maamulka.

Lixda doonyood ayaa, sidda ay wararku sheegayaan, waxaa laga soo kala qabtay xeebaha goballadda Bari iyo Karkaar iyaga oo lagu xiray marsooyinka Boosaaso iyo Baargaal.

Mid kamid ah doonyaha ayaa markii dambe lasii daayay taasoo ka dhigan in ay maxkamad sugayaal yihiin shan kale, sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo.

Maxkamadda degmadda Baargaal ee gobalka Gaardafuu ee Puntland ayaa xukun ku riday hal doon oo kaliya iyada oo aan war laga hayn afartii doonyood oo kale.

Dooonta Al-casiis oo uu wakiil u yahay, Bashiir Cumar Sagaar, ayaa maxkamaddu ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan afartan kun oo dollar iyo in ay qaadato shatiga kalluumaysiga .

Garowe Online ayaa ka heshay ilo xog ogaal ah in wasaaradaha Maaliyadda iyo Kalluumaysiga Puntland ay sii daayeen shantii doonyood oo kale kadib markii ay gaareen macaamil iyo is-afgarad".

"Halka doon ee la xukumay waxaa wakiil u ahaa ganacsade aan qabiil ahaan kasoo jeedin Puntland waana sababta keentay in kaligiis xukun lagu rido, shantii kale macaamil ayaa laga gaaray waxaana loo dhamaystay si hoose," ayay ku dareen illo wareedyada.

Kalluumaysiga sharci darrada oo dhibaato ba'an ku haya Puntland ayaa lagu eedeeyay marar kala duwan in madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uusan u waajihin si daah-furan.

Wasaaradda kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugan ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in xeebaha dalka uu ka jiro jariif baahsan oo sharci darro ah balse ma shaacin dhinacyadda ku lugta leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM