Doorashada duqa degmada Qardho oo la shaaciyay [Dhagayso]

Image

20 September, 2015(GO)-Magalada Qardho xarunta gobolka Kar-kaar waxaa ka socota qaban qaabada doorashada golaha deegaanka degmadaasi.

Kulan ka dhacay magaalada Qardho ayaa lagu shaaciyay xilliga la qabanayo doorashada iyo shuruudaha laga doonayo xildhibaanada cusub.

Isu-duwaha wasaaradda arrimaha gudaha gobolka Karkaar Maxamed Muuse Ismaaciil ayaa warbaahinta u akhriyay shuruudaha laga doonayo xildhibaanada cusub. 

Maxamed ayaa odayaasha ka codsaday inay soo dadajiyaan soo gudbinta xubnaha,waxaana loo qabtay inay ku keenaan muddo 2 maalmood gudahooda ah,

Doorashada Gudoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa loo muddeeyay inay dhacdo maalinta Arbacada ee fooda nagu soo haysa. 

Horay, wareegto kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa lagu shaaciyay inay xilka sii hayaan mudo 20 casho ah, gudoomiyaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed siciid Ciise "Hogaamo" iyo ku-xigeenkiisa Burhaan Xaaji Aadan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM