Doorashada duqa magaalada Garowe oo ka bilaabatey PDRC

Image

20 August, 2015 (GO)- Waxaa saaka ka bilowdey xarunta PDRC ee magaalada Garowe doorashadii duqii magaalada Garowe iyadoo halkaas isugu yimaadeen dadweyne aad u farabadan kuwasoo raba iney wax ka ogaadaan natiijada codbixintaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Axmad Karaash iyo guddiga farsamada uu madaxda u yahay ayaa sidoo kale goobta ku sugan.

Musharaxiinta xilka ayaa waxa ay goobta ka jeediyeen khudabado la siiyey muddo 5 daqiiqo ah iyadoo mid walba ka hadlayo qorshihiisa waxqabad ee shanta sano ee socota.

Wareegii Kowaad ee dorashada ayaa ku dhamaatey 

Wareega koowaad waxaa hoggaaminaya Axmed Siciid Geelle. 7 cod Cawil Shiikh Xaamid 7 Cod. Xassan Goodir 6 Cod. Iyo Maxamed Sooyaal oo 5 cod helay.

Wareega labaad waxaa u tartamaya Axmed Geelle .Cawil.Shiikh Xaamud iyo Xassan Goodir.

Dhowaan ayaa idiin soo gudbineynaa natiijada wareega labaad.

Tabinta warkaan waxaa iska leh xuquudiisa Cali Cabdi Ducale oo ka tirsan Idaacada Radio Garowe

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM