Doorashada Guddoonka golaha deegaanka degmada Burtinle oo bilaabatay

Image

04 Octobar, 2015(GO)-Waxaa goor dhaw la bilaabay doorashada Gudoomiyaha iyo ku-xigeenka golaha deegaanka degmada Burtinle gobolka Nugaal, ka dib khilaaf saaka hakiyay.

Doorashada oo u dhacaysay qaab qarsoodi ah, waxaa u tartamayay labo murashax oo kala ahaa Deeq Cabdi Maxamuud iyo Maxamed Maxamuud Axmed.

Gudoomiyaha golaha deegaanka degmada Burtinle ayaa loo doortay sida warar hordhac ah sheegayaan Maxamed Maxamuud Buurdibi isagoo helay 14 cod, waxaana lagu kala baxay wareegii hore.

Haatan, waxaa socota doorashada ku-xigeenka Gudoomiyaha, waxaana ku sugan madasha doorashadu ka dhacay mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland, Gudoomiyaha gobolka iyo saraakiil kale.

Faah faahinta waxaan idiin ku soo gudbin doonaa wararka dambe

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM