​Doorashada golaha deegaanka Galkacyo oo socota

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweynaha Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka qayb galay doorashada golaha deegaanka degmadaasi oo hadda kasocota xarunta gobolka Mudug ee Galkacyo.

Doorashada ayaa hadda maraysa wareegga koowaad, waxaana ku tartamaya afar murashax oo codadkii la dhiibtay u kala helay qaabkan hoose;

1.       Cismaan Salaad Fagaase 2 Cod

2.       Deeq Maxamud Xaashi 8 Cod

3.       Yaasiin Maxamuud Jaamac 3 Cod

4.       Maxamuud Yaasiin Axmed tumey 17 Cod

Jagada guddoomiye ku-xigeenka ayaa sidoo kale waxaa isu soo taagay labo Xildhibaan kuwaasoo lagu kala magacaabo; Farxaan Cabdi Gaafaa iyo Dr. Cabdifataax Xasan Xuseen Waloore, waxaana loo codayn doonaa doorashada guddoomiyaha kadib.

Golaha deegaanka degmada Galkacyo ayaa ka kooban 31 mudane, waxaana wareegto uu madaxweyne Gaas soo saaray lagu daray afar xubnood oo la sheegay in la siiyay haweenka.

Doorashadan ayaa kusoo beegmay xilli musuq-maasuq iyo waxqabad la'aan loo kala diray golahii ka horreeyay ee uu hogaaminayay Cabdicasiis Jamac Nugal kaasoo aan kamid ahayn ragga lasoo xulay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM