Doorashada madaxwaynihii 7aad ee Puntland 25 sanno gudaheeda

Image
Toban iyo kow Musharrax ayaa baratamaysa oo uu ku jiro Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Saciid Deni.

GAROWE, Puntland - Puntland ayaa Isniinta maanta ah dooranaysa madaxweynihii todobaad ee maamul-goboleedkan dhaca woqoooyi-bari Soomaaliya, ka dib bilooyin khilaafaad doorasho oo gacan ka hadal gaaray.

Toban iyo kow Musharrax ayaa u taagan xilka Madaxweynaha oo uu ku jiro Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Siciid Cabdullaahi Deni waxaana jira loolan aad uga adag tartamadii horey.

Galaangalka, heshiisyada iyo ballan-qaadyada oo lagu soo kala jiidanayo xildhibaannada oo kala ah 65 mudane iyo hal Marwo ayaa saacadihii lasoo dhaafay hareeyay masraxyadda siyaasada.

Xilka madaxweyne ku-xigeenka oo dhankiisa saameyn weyn ka leh mandiqaddan ayaa waxaa loollan ugu jiraan 11 murashax kalle. Tartankan waxaa xiiso usii yeelaya isbadalka dhacay.

Lacagta oo keli ah ma aha midda wax jaangeysa coddeyntan balse waa waxa ugu badan ee laga hadlayo doorashadaan maadaama ay sidaas iska yihiin doorashooyinka Soomaaliya.

Xildhibaannada cusub oo ay ku jiraan da' kasta iyo dad wax ku oola ayaa la eegayaa waxkasta kadib halka ay dhigaan Puntland oo dadkeedu 25 sanno ka dib weli aysan helin dowladnimadii ay u baahnaayeen.

Ka sokow Puntland, doorashadan waxa indhaha ku haya Soomaali oo idil, waxaana dadka falanqeeya ay tilmaamayaan in ay hordhac u tahay doorashada Soomaaliya ee 2026.

Iyada oo dhinacyada siyaasadda dalka ee gudaha iyo dibeddaba  ay si weyn loolanka xilligan uga dhex muuqdaan, haddana natiijo kasta oo kasoo baxda coddeyntan waxay sawir guud ka bixin doontaa Soomaaliyada 2026-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM