Dowlada Puntland oo Qaadatey Go’aan ay ku Khasban Tahay

Image

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ka dhageystay golaha xukuumadda xaalada bad-baadinta doontii soo caariday oo si ay weyn uga qayb-qaateen shacabka, shirkadaha dalka iyo dawladu-ba, wuxuuna Madaxweynuhu bogaadiyay dhammaan intii ka qayb-qaadatay howshaas, wuxuuna Madaxweynuhu amar ku siiyay Wasaaradda Maaliyada inaan laga qaadi karin hantidaas wax canshuur ah.


FAALADA WARKA |Tan iyo markii dadweynaha gobolka Barri gaar ahaan kuwooda dagan xarunta ganacsiga Puntalnd bilaabeen dadaalka weyn oo ay u galeen sidii loo badbaadin lahaa Doonta Al Xafiis ee ku soo caariday duleedka dekada magalada Boosaaso ayaa xukuumada Madaxweyne Gaas waxay bilowdey 24 saac ee ugu dambeeyey sidii ay ugu lug darsan laheyd  howshii halkaas ka socotey.

Madaxweynaha Dowlada Puntalnd oo muddo Sideed casho ah ku maqnaa magalada Muqdisho ayaa marna ka hadlin doontaas soo caariday iyo doorka xukuumadiisu ka qaadan doonto gurmadkaas iyadoo kulankii golaha xukuumada ee maalintii shaley ka dhacey magalaada Garoowe kasoo saareen iney cashuur dhaaf u sameyn doonaan hantida saaran Doontaas.

Inkastoo dadweynaha iyo ganacsatada ku howlan badbadinta Doontaas adeegsanayeen qalabkii Dowlada hadana waxaa halkaas ka maqnaa doorkii hogaamineed ee xukuumada kuwasoo la arkayey in mararka qaarkood kasoo muuqanayeen saxaafada iyagoo booqanayey halka howshaas ka socoto.

Guddiyo isugu jira culima’udiin iyo Ganacsato  ayaa wadista howlgalkaan u doortey Shiikh Fu’aad Aflow.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa markii dib ugu soo noqdey magalaada Garowe waxaa uu saxaafada ka sheegey inuu bogaadinayo dadka Reer Boosaaso dadaalkii ay muujiyeen isagoo xusey in ay kamid tahay siyaasadiisii aheyd Isku Tashi.

”Shacabka Reer Puntland kalmada isku tashi waxaa loo isticmaalyey Afartii sano ee lasoo dhaafey macnaheedu waxaa weeye in dadku aysan waxba ka sugin Dowlada.”sidaas waxaa GO u sheegey ganacsade kamid ah dadka doontaan hantidu ka saaran tahay.

Madaxweyne Gaas oo muddo Hal Sano ka yar uga dhiman tahay xilkiisa ayaa dadka Reer Puntland saluug weyn ka muujinayaan nidaamkiisa hogaamineed iyo go’aan qaadasho iyadoo xiligaan maamulkaan haystaan dhibaatooyin amni, musuqmaasuq iyo dhaqaale.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM