Dowlada Puntland oo taageertey maamul lagaga dhawaaqey Bakool

Image

Dec 27,2015 (GO)- Kulan ay isugu yimaadeen 26 Dec, 2015 golaha wasiirada Puntland oo uu shir gudmooniyey madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa warsaxafdeed kasoo baxey lagu tageerey maamul loogu magacdarey Bakool sare.

Warsafadeedkaan ayaa lagu sheegey in xukuumada Puntland soo dhoweyneyso maamulka loogu magacdarey Bakool sare oo ka kooban degmooyinka Ceelbarde, Yeed iyo Aato taasoo ku tilmaameen iney tahay talaabo wanaagsan.

Qoraalka kulankaan kasoo baxey ayaa lagu sheegey in dadkaas ka tashadeen ayaahooda maadaama qadarin iyo mudnaan ka waayeen maamulka jaarka la ah "Koonfur Galbeed" lana ixtiraami waayey doorkooda ay ku lahaayeen degaankaas.

Hadalkaan ayaa imaanaya kadib markii dowlada Puntland horey u diidey maamulka Galmudug markii lagaga dhawaaqey magaalada Cadaado iyadoo ku tilmaantey xiligaas inuu khilaafsan yahay dastuurka dowlada Federaalka madaama uu ka kooban yahay gobol iyo bar.

Madaxweynaha Puntland ayaa aqoonsadey maamulka Galmudug kadib markii dagaal dad badan ku dhinteen kuna dhaawacmeen ka dhacey magaalada Galkacayo oo ay wada-dagaan dad kala tageersan labada maamul.

Talaabadan Puntland ku aqoonsatey maamul sadex degmo kaliya ka kooban ayaa la rumeysan yahay iney salka ku hayso markii uu xumaadey xiriirka madaxweyne Gaas iyo Shariif Xasan kadib shirkii loogu magacdarey wadatashiga qaran ee lagu qabtey magaalada Muqdishu horaantii bisha December.

Labadaan mas'uul ayaa ku kala aragti duwanaa nidamka lagu soo dooranayo xildhibaanada dowlada Federaalka marka la gaaro doorashada sanadka 2016 iyadoo Shariif Xasan noqdey siyaasiga kaliya oo si bareer ah u tageerey nidaamka 4.5 taasoo Puntland ganafka ku dhufatey.

Golaha xukuumada Puntland ayaa dhinaca kale ka hadley arrimaha amaanka, furitaanka garoonka Bosaso iyo warbixin madaxweyne Gaas ka bixiyey safarkiisa magaalada Galkacayo uu ku joogey asbiicyadii lasoo dhaafey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM