Dowladda Norway oo balanqaad horleh u sameysay Puntland

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntalnd Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa magaalada Nairobi kulan kula qaatay Safiirka Dalka Norway u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Ms. Elin.

Kulankan oo qayb ka ahaa kulamada Madaxweynaha Dowladda Puntland la qaadanayo beesha caalamka ayaa waxaa looga wadahadley arrimaha dimuquraadiyadda, amniga, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta doorka Haweenka ee ka qayb-galka siyaasadda, doorashooyinka hanaanka xisbiyada badan, maalgashiga, Waxbarashada, la dagaalanka argagixisada oo muhiimad gaara lahaa iyo sidii ay Dowladda Norway gacan uga geysan lahayd dedaaladda xukuumadda cusub ee Madaxweyne Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Ambassador Ms. Elin ayaa Dowladda Puntland ku amaantay biseylka siyaasadeed ee ay gaartay iyo sida mar waliba si nabdoon ay uga qabsoonto doorasho xalaal ah, waxayna xustay in ay taasi muujinayso in Puntland ay u diyaarsan tahay sidii ay ula tartami lahayd caalamka, isla markaana Ms. Elin ayaa balan qaaday in dowladdeedu ay si dhow ula shaqaynayso Puntland, ayna kordhinayaan mashaariicda ay Norway ka fuliso Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku ammaanay dowladda Norway doorka wanaagsan ee ay mar waliba ka qaataan Horumarinta Soomaaliya oo dhan, gaar ahaan doorkooda wanaagsan ee Puntland khaasatan dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka iyo doorashooyinka, waxaa uu kulanku kusoo dhammaaday is af-garad iyo guul.

-DHAMMAAD-

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM