Dowladda oo diiddey in PLTV laga baahiyo soo dhoweyntii Dr. Farole

Image

July 29, 2015 (GO)- Dowladda ayaa ku amartay maamulka Telefishinka Puntland (PLTV) inaysan baahin karin war ku saabsan qaabkii maanta magaalada Garowe loogu soo dhoweeyey madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Amarka ayaa si toos ah uga soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta, Maxamuud Xasan Soo-Cade, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah hawl-wadeenada telefishinka oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo.

Soo dhoweynta Farole waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo Guddoomiyaha Baarlammaanka Siciid Xasan Shire hoggaaminayey, kuwaasoo isugu jirey wasiirro, xildhibaanno, agaasimeyaal iyo saraakiil ciidan.

Waxaa xusid mudan in xilligii Mudane Gaas ahaa murashaxa ee uu Garowe yimid, telefishinka dowladda si toos ah looga baahin jirey dhammaan barnaamijyada ku saabsan ololihiisa doorashada.

Kumannaan dadweyne ah oo ruxayey caleemo qoyan iyo calammada Puntland iyo Soomaaliya ayaa Dr. Faroole si weyn ugu soo dhoweeyey Garowe, wuxuuna dadka si kooban ugula hadlay Fagaaraha Barxadda, isagoo xusay booqashadiisu tahay mid la xiriirta arrimo qoys, gaar ahaan tacsida AHN marwadiisii hore Aamino Abiib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM