Dowladda oo diiddey in PLTV laga baahiyo soo dhoweyntii Dr. Farole

Image

July 29, 2015 (GO)- Dowladda ayaa ku amartay maamulka Telefishinka Puntland (PLTV) inaysan baahin karin war ku saabsan qaabkii maanta magaalada Garowe loogu soo dhoweeyey madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Amarka ayaa si toos ah uga soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta, Maxamuud Xasan Soo-Cade, sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen qaar kamid ah hawl-wadeenada telefishinka oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo.

Soo dhoweynta Farole waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo Guddoomiyaha Baarlammaanka Siciid Xasan Shire hoggaaminayey, kuwaasoo isugu jirey wasiirro, xildhibaanno, agaasimeyaal iyo saraakiil ciidan.

Waxaa xusid mudan in xilligii Mudane Gaas ahaa murashaxa ee uu Garowe yimid, telefishinka dowladda si toos ah looga baahin jirey dhammaan barnaamijyada ku saabsan ololihiisa doorashada.

Kumannaan dadweyne ah oo ruxayey caleemo qoyan iyo calammada Puntland iyo Soomaaliya ayaa Dr. Faroole si weyn ugu soo dhoweeyey Garowe, wuxuuna dadka si kooban ugula hadlay Fagaaraha Barxadda, isagoo xusay booqashadiisu tahay mid la xiriirta arrimo qoys, gaar ahaan tacsida AHN marwadiisii hore Aamino Abiib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM