Dowladda oo qaabili wayday dad reer guura ah oo ku sugan Garowe [Dhagayso]
GAROWE, Puntland- Waxaa magaalada Garowe dhowr bari ku sugnaa qoysas reer guuraa ah oo dowladda ka dalbanayay inay siiso kaalmo lacageed ama gaadiid oo ay doonayeen inay kaga guuraan dhulka abaarta ah islamarkaana u aadan goobaha wax ka da'een ee Bariga fog.
Xubno kamid ah dadkaas oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay inay muddo labo maalin ah kusoo laab-laabanayeen xafiisyda dowladda gaar ahaan tan degmada Garowe, balse nasiib darro aysan jirin cid qaabishay.
Waxay intaaas ku dareen in sicir barar lagu sameeyay gawaaridii dadka hayaaminaysay islamarkaana hadda lagu guurayo lacag dhan 1,500 oo doollar.
Reer guuragan, oo tilmaamay in qaybtood meel fog ka yimaadeen ayaa doonaya in loo bad-baadiyo hantida yar ee abaarta uga hartay islamarkaana loo naq-raaciyo dhulka doogga laga filayo ee gobolka Bari.
"Waxaa anigu ka imid meel la yiraahdo Garamo, ciddii gawaari lahayd waa guurtay laakiin aniga iyo dhurwaa ayaa meeshii loga tagay.. Waxaan ka codsanayaa in gaadiid ama hanti la isiiyo si aan u bad-baadsado inta yar ee hantida ah ee abaarta nooga hartay,"Sidaas waxaa yiri mid kamid ah xoolaha dhaqatada la hadlay Idaacadda Garowe.
Waxay kaloo sheegeen inaysan dowladda Puntland ilaa hadda wax u qaban iyagoo ku cel-celiyay in codsigooda laga jawaabo.
Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda oo ku aadan dalabka ka yimid reer Guuraaga.
Tan iyo wixii ka dambeeyay todobaadkii hore oo roobab yar ka da'een gobollada Puntland qaarkood, waxaa aad reer Miyigu iyagoo gawaarida waaweyn ee xamuulka qaada adeegsanaya hayaan u ahaayeen gobolka Bari, halkaasoo iminka lasoo warinayo inay isugu tageen makhluuq aad u badan.
Gobolkaas, waxaa sidoo kale gaaray reer Guuraa kasoo hayaamay dhinaca maamulka Somaliland.
Dadka qaybtood waxay sheegeen inaysan isku filnayn deeqda laga filayo roobkaas iyo dadka usoo hayaamay ay aad u kala fogyihiin.
GAROWEONLINE