Dowladda PL oo ka tacsiyeysey geerida Ugaas Axmed Ugaas Maxamed

Image

November 9, 2014 (GO)- Dowlada Putland ayaa ka tacsiyeysey geerida Ugaas Axmed Ugaas Maxamed oo ku geeriyoodey degmada Gal-dogob ee gobolka Mudug.

Wasiirka War-faafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdule Indhoguran oo la hadlay Radio Garowe ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Putland uga tacsiyeeyey geerida ugaaska.

Wuxuu sidoo kale si gaar ah ugu tacsiyeeyey ehelada marxuumku ka baxay, isagoo Ilaah uga baryey inuu janadiisa ka waraabiyo dhammaan qaraabada uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa isna ka tacsiyeeyey geerida ugaaska, isagoo sheegay in Ugaas Amed Ugaas Maxamed ahaa shaqsi qiime weyn ugu fadhiyey dadka reer Puntland iyo guud ahaan Soomaalida.

Ugaaska oo ahaa isimka guud ee baalaha Leel-kase waxaa maalinta berri ah lagu aasi doonaa isla degmada Gal-dogob, iyadoo aaskiisana kasoo qayb geli doonaan madaxda ugu sareysa Dowlada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM