Dowladda Puntland oo dabcisay go'aankii xiritaanka Masaajida

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland iyo Culimada ayaa is-afgarad waxay ka gaareen go'aanka xiritaanka Masaajida, sidda uu ku dhawaaqay Wasiirka Cadaaladda maamul goboleedkaas.

Cawil Sheekh Xaamud ayaa shaaca ka qaadey in is-afgaradka uu kasoo baxay kulan uu shalay oo Talaado ahayd uu la qaatay Culimada.

Wareysi uu siiyey warbaahinta ayuu ku sheegay in is-afgaradku yahay in xukuumadda dabcisay go'aankii kasoo baxay ee ku aadanaa in muddo laba todobaad ah la xiro Masaajidda.

Talaabadaas ayaa waxay qeyb ka ahayd ololaha caalamiga ah ee looga hortagayo caabuqa sida safmarka ah dadka u dilaya ee Coronavirus.

Sidda laga soo xigtay Xaamud, is-afgaradka cusub ayaa xeerinaya in ay sii furnaadaan Masaajida balse la xiro Suulida iyo goobaha lagu lagu weesaysto lana ilaaliyo nadaafada guud ee Masaajida.

"Waxaan kaloo isku raacnay in haddii kiis ku saabsan Coronavirus laga helo Puntland in aysan sii furnaan doonin Masaajida, ALLE naguma keenee," ayay saxaafadda kasoo xigtay wasiirka.

Coronavirus oo soo gaarey Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa dunida oo idil ka galaaftey in ka badan 14-kun oo ruux, iyaddoo Talyaaniga uu yahay waddanka uu sida ba'an u aafeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM