Puntland oo dardargelineysa dib u habeynta ciidamadda

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Xeradda Ciidamada Xorgoble ee degmada Qardho waxaa booqday Gudigga Dib-u-habaynta Ciidamada Puntland oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ahna Gudoomiyaha dib u dhiska Ciidamada Dawladda Puntland, Wasiir Amnigga Mudane Cabdisamed Maxmed Gallan,Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere, Maamulka Gobolka Karkaar, kan degmada Talisja Qaybta iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Puntland.

Gudigga ayaa ugu horayn u kuurgalay xaaladda Ciidamada, hanaanka uu socdo tababarku iyagoo warbixino ay ka dhagaysteen Taliska Xeradda iyo Macalimiinta gacanta ku haya ciidamada tababarka Xerada Xorgoble.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa si adag uga hadlay helida Xuquuqda Ciidamada iyo in ay iyaguna u guntan doonan waajibaadka qaran ee looga baahan yahay.

"Dawladda uu hoggaaminaayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdulaahi Deni waxaa ka go'an sidii dib u habayn loogu samayn lahaa ciidamada, si loo helo ciidamo tirsan oo tayo leh Ma dhici doonto in mushaharaadka ciidamada ay cid u gacan-gasho, qofkasta isagga ayay si toos ah akoonkiisa ugu soo dhici doontaa,'' ayuu yiri Xasan.

Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Galan ayaa ka hadlay habka diiwaanta ee ay wadaan.

"Diwaan galinta aan wadno waa mid fure u noqon doonta in la helo ciidamo layaqaan tiro ahaan iyo tayo ahaan dhamaana Ciidamadu waa mari doonaan," ayuu ku daray.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni ayaa horay ubalan qaaday in xukumadiisu ay xooga saari doonto dhismaha Ciidamada

Wasaaradda Maaliyadda Puntland

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM