Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Image

NAIROBI, Kenya - Waxaa magaalada Nairobi ku qabsoomay Shir dhexmaray Dowladda Puntland iyo Beesha Caalamka oo heer Wasiir ah, Kaasi oo uu Shir-guddoomiyey Wasiirka Qorsheynta Dowladda Puntland Mudane Daa’uud Maxamed Cumar.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

Wafdiga ayaa la wadaagay Beesha caalamka Buuga qorshaha Dowladda, Waxaana Shirku kusoo dhammaaday Jawi wanaagsan.

Wakiillada Beesha Caalamka ka socday ee Shirka ka qeybgalay waxaa mid ah USA, UK, EU, Norway, Sweden, Denmark, Switzerland , Netherlands iyo SSF.

Dhinaca Dowladda Puntland waxaa Kulanka ka qeybgalay Wasiirka Beeraha, Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Wasiirka Kalluumeysiga , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo xubno ka mid ah Guddiga Ganacsiga Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM