Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Image

NAIROBI, Kenya - Waxaa magaalada Nairobi ku qabsoomay Shir dhexmaray Dowladda Puntland iyo Beesha Caalamka oo heer Wasiir ah, Kaasi oo uu Shir-guddoomiyey Wasiirka Qorsheynta Dowladda Puntland Mudane Daa’uud Maxamed Cumar.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

Wafdiga ayaa la wadaagay Beesha caalamka Buuga qorshaha Dowladda, Waxaana Shirku kusoo dhammaaday Jawi wanaagsan.

Wakiillada Beesha Caalamka ka socday ee Shirka ka qeybgalay waxaa mid ah USA, UK, EU, Norway, Sweden, Denmark, Switzerland , Netherlands iyo SSF.

Dhinaca Dowladda Puntland waxaa Kulanka ka qeybgalay Wasiirka Beeraha, Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Wasiirka Kalluumeysiga , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo xubno ka mid ah Guddiga Ganacsiga Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM