Dowladda Puntland oo heegan sarre gelisay ciidamadda milatariga

Image
Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa askarta u sheegay in ay u diyaar-garoobaan “shaqooyin qorsheysan”.

GAROWE, Puntland - Taliyaha ciidamada difaaca dawlada Puntland General Aadan Cabdi Xaaji ayaa safar shaqo kusoo gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, waxa uuna booqday dugsigga tababarada ciidamada ee Xorgoble.

General Aadan waxaa ugu horeyn halkaas kusoo dhaweeyay taliyaha dugsiga Xorgoble G/dhexe Burhaan Axmed Caanood, maamulka iyo macalimiinta dugsigga, waxay uga warameen xaalada dugsigga, marxaladihii uu soo maray, iyo hawlaha shaqo ee hadda ka socda.

Taliyaha ayaa sidoo kale kormeeray dhamaan qaybaha uu ka kooban-yahay dugsigga, waxa uuna intaas ka dib si gaar ah ula kulmay taliyaha dugsigga Burhaan Caanood iyo hawl-wadeenada kale.

Ugu danbayn, General Aadan Cabdi Xaasho ayaa taliye Burhaan, maamulka iyo macalimiinta uga mahad-naqay shaqadii wanaagsanayd ee ay soo qabteen 5tii sano ee lasoo dhaafay, sidoo kalena waxa uu kula dardaarmay inay u diyaar-gaaroobaan shaqooyinka kale ee qorshaynsan ee ay ugu horeeyaan horumarinta xirfada iyo aqoonta ciidamada Puntland iyo tababarkoodaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM