D. Puntland oo loogu baaqay hirgalinta maxkamadda Dastuuriga

Image
Image
Image
Image
Image

October 29, 2014 (GO)- Hay'adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa Garowe ku qabatay kulan wadatashi oo looga hadlayay geedi socodka dimoqraadiyadda kaasoo laga qayb galay wakiilo ka socda buslahda rayidka.

Kulankan ayaa ugu danbeyntii waxaa kasoo baxay saddex qodob oo si toos ah u taabanaya in la dardar galiyo howlaha axsaabta siyaasadda xili lagu rajo weyn yahay Puntand inay ka gudubta nidaamka qabiilka ku salaysan.

Hay'addu waxay soo bandhigtay daraasad ka hadlaysa geedi socodka nidaadka dimoqraadiyadda, iyo sida shacabku ugu baahan yihiin nidaamka halka cod iyo halka qof.

Agaasime ku xigeenka Daladda PUNSAA ayaa saxafadda u akhrisay qodobada kasoo baxay kulanka wadatashiga ah waxayna kala yihiin.

  • Ka qeyb galayaashu waxay shirka ku qirayaan in daraasada PDRC ay ku sameysay hannaanka dimuqraadiyaynta Puntland ay wax badan ka tari karto sidii loosii amba-qaadi lahaa geedi-socodka dimuqraadiyaynta islamarkaana loo heli lahaa doorashooyin xor iyo xalaal ah oo si nabad ah ku qabsooma.
  • Bulshada rayidka ah ee Puntland waxay ugu baaqaysaa madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo laamaha kale ee dowladda ee ku shaqada leh inay dadajiyaan dhismaha guddiga ah ee doorashooyinka iyo magacaabidda xubnaha maxkamada dastuuriga ee Puntland si waqti ku filan loogu helo fulinta qorshe howleedka doorashooyinka.
  • Bulshada rayidka ah ee Puntland waxay balanqaadeen inay kaalin mugleh ka qaadandoonaan dadaallada dimuqraadiyaynta iyo inay la timaado qorshe cad oo midaysan kuna saabsan kaalintooda marka la unko guddiga kumeel gaarka ah ee doorashoyinka Puntland.

Dowladda uu hoggaaminayo Cabdiwali Cali Gaas ayaa laga sugayaa xiliga uu hirgaliyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka iyo maxkamadda dastuuriga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM