D. Puntland oo loogu baaqay hirgalinta maxkamadda Dastuuriga

Image
Image
Image
Image
Image

October 29, 2014 (GO)- Hay'adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC ayaa Garowe ku qabatay kulan wadatashi oo looga hadlayay geedi socodka dimoqraadiyadda kaasoo laga qayb galay wakiilo ka socda buslahda rayidka.

Kulankan ayaa ugu danbeyntii waxaa kasoo baxay saddex qodob oo si toos ah u taabanaya in la dardar galiyo howlaha axsaabta siyaasadda xili lagu rajo weyn yahay Puntand inay ka gudubta nidaamka qabiilka ku salaysan.

Hay'addu waxay soo bandhigtay daraasad ka hadlaysa geedi socodka nidaadka dimoqraadiyadda, iyo sida shacabku ugu baahan yihiin nidaamka halka cod iyo halka qof.

Agaasime ku xigeenka Daladda PUNSAA ayaa saxafadda u akhrisay qodobada kasoo baxay kulanka wadatashiga ah waxayna kala yihiin.

  • Ka qeyb galayaashu waxay shirka ku qirayaan in daraasada PDRC ay ku sameysay hannaanka dimuqraadiyaynta Puntland ay wax badan ka tari karto sidii loosii amba-qaadi lahaa geedi-socodka dimuqraadiyaynta islamarkaana loo heli lahaa doorashooyin xor iyo xalaal ah oo si nabad ah ku qabsooma.
  • Bulshada rayidka ah ee Puntland waxay ugu baaqaysaa madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo laamaha kale ee dowladda ee ku shaqada leh inay dadajiyaan dhismaha guddiga ah ee doorashooyinka iyo magacaabidda xubnaha maxkamada dastuuriga ee Puntland si waqti ku filan loogu helo fulinta qorshe howleedka doorashooyinka.
  • Bulshada rayidka ah ee Puntland waxay balanqaadeen inay kaalin mugleh ka qaadandoonaan dadaallada dimuqraadiyaynta iyo inay la timaado qorshe cad oo midaysan kuna saabsan kaalintooda marka la unko guddiga kumeel gaarka ah ee doorashoyinka Puntland.

Dowladda uu hoggaaminayo Cabdiwali Cali Gaas ayaa laga sugayaa xiliga uu hirgaliyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka iyo maxkamadda dastuuriga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM