Dowladda Puntland oo shaacisay kiisas cusub oo ah Coronavirus

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga dowladda Puntland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ayaa shaaciyey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-geliyeen lix kiis cusub oo ah safmarka Covid-19.

Bukaanadda cusub oo wadarta guud ka dhigaya 90 ayaa saddex kamid ah waxay joogaan gobolka Karkaar, laba waa Nugaal, halka gobolka Bari laga diiwaan-geliyey hal xaaladood.

Laba kamid ah shaqsiyaadka lasoo wariyey in uu haleelay xanuunka ayaa ah Lab ama Rag, afarta kelana waa dumar, sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee 11-ka May, 2020.

Ma jirto dhimasho iyo bogsasho dhacday afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay. Geerida waxay ku taagan tahay afar, halka tiradda guud ee dadka ka caafimaadey ay wali tahay hal.

Dhanka kale, wasiirka ganacsiga Puntland, Cabdullaahi Cabdi Xirsi, oo kamid ah mas'uuliyiin uu soo ritay caabuqa, ayaa ku booriyey dadweynaha in ay baaqi ku ahaadan guriyahooda.

Isagoo khadka telefoonka ugu waramay Radio Garowe, Xirsi ayaa ku waaniyey dadka uu ku dhacay fayruska in ay aad u isticmaalaan cunooyinka nafaqada lah ee waddanka laga helo.

Ugu dambeyntii, caafimaadkiisa ayuu sheegay in haatan uu yahay mid aad u wanaagsan, wuxuuna soo kabasho deg-deg ah uu u rajeeyay bukaanada kale oo uu kula dardaarmay xoojinta taxadarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM