Dowladda Puntland oo sheegtay 350 kun oo qof inay Abaaruhu saameeyeen

Image

Garowe [GAROWE ONLINE] -Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa maanta ku dhawaaqay inta badan Gobaladda Puntland inay ka jirto abaaro iyo biyo la'aanta suurta galin kara inay xaalada kumanaan qoys ay kasii darto.

Meelaha ay abuuruhu iyo biyo la'aantu ka jiraan ayaa lagu sheegay qoraal galabta kasoo baxay aqalka madaxtooyadda  Gobolada  Bari, Gardafuu, Sanaag , Haylaan , Nugaal , Karkaar ,  Mudug gaar ahaan (Degmooyinka Tawfiiq ,Saaxo iyo Jariiban iyo dhammaan Tuulooyinka iyo Deeganada xeebta Ku yaal.

Madaxwayne Gaas ayaa beesha caalamka iyo dadka wax haysta ee Puntland kasoo jeeda ugu baaqay inay gurmad deg deg ah soo gaarsiiyaan dadkan ay abuuruhu saamaynta ku yeesheen.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in ka badan 350 kun oo qof inay saamayn ku yeelatay abaaraha iyo biyo la'aanta kuwaasoo isagu jira reer miyi.xoolo dhaqanto,dadka degan tuulooyinka iyo xarumaha barakacayaasha Puntland waxayna Putand ku baaqday in afar qodob beesha caalamku wax kala qabato kuwaasoo kala ah .

In biyo deg deg ah lala gaaro meelaha oomanaha ah,In iyada oo la eegayo dhnaca Bini'aadanimiada si dhakhso ah loo diyaariyo qalab biyaha iyo shidaal lagu hawl galo si loo yareeyo culayska jira,in la diyaarito xarumo caafimaad iyo daawooyin lagu daryeelo meelaha sida aadka ah ay u saameeyeen Abaaruruh iyo in si dhakhso ah xoolaha nool ee ku sugan meelaha Aabuuruhu aadka u saameeyeen loo gaarsiiyo dawooyin iyo xanaanayn.

Warbixintan ka hadlaysa abaaraha ka jira gobaladda Puntland waxaa soo diyaariyay wasaraddaha arrimaha gudaha oo kaashanaysa Hay'adda masiibooyinka dabiiciga ah ee HADMA.

Madaxwayne Gaas ayaa ka digay haddii uu Roobka Dayrta dib u dhoco ay kasii dari karta xaalada qoysas aad u faro badan oo ku tiirsanaa daaqa iyo biyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM