Dowladda Puntland oo sheegtay 350 kun oo qof inay Abaaruhu saameeyeen

Image

Garowe [GAROWE ONLINE] -Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa maanta ku dhawaaqay inta badan Gobaladda Puntland inay ka jirto abaaro iyo biyo la'aanta suurta galin kara inay xaalada kumanaan qoys ay kasii darto.

Meelaha ay abuuruhu iyo biyo la'aantu ka jiraan ayaa lagu sheegay qoraal galabta kasoo baxay aqalka madaxtooyadda  Gobolada  Bari, Gardafuu, Sanaag , Haylaan , Nugaal , Karkaar ,  Mudug gaar ahaan (Degmooyinka Tawfiiq ,Saaxo iyo Jariiban iyo dhammaan Tuulooyinka iyo Deeganada xeebta Ku yaal.

Madaxwayne Gaas ayaa beesha caalamka iyo dadka wax haysta ee Puntland kasoo jeeda ugu baaqay inay gurmad deg deg ah soo gaarsiiyaan dadkan ay abuuruhu saamaynta ku yeesheen.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in ka badan 350 kun oo qof inay saamayn ku yeelatay abaaraha iyo biyo la'aanta kuwaasoo isagu jira reer miyi.xoolo dhaqanto,dadka degan tuulooyinka iyo xarumaha barakacayaasha Puntland waxayna Putand ku baaqday in afar qodob beesha caalamku wax kala qabato kuwaasoo kala ah .

In biyo deg deg ah lala gaaro meelaha oomanaha ah,In iyada oo la eegayo dhnaca Bini'aadanimiada si dhakhso ah loo diyaariyo qalab biyaha iyo shidaal lagu hawl galo si loo yareeyo culayska jira,in la diyaarito xarumo caafimaad iyo daawooyin lagu daryeelo meelaha sida aadka ah ay u saameeyeen Abaaruruh iyo in si dhakhso ah xoolaha nool ee ku sugan meelaha Aabuuruhu aadka u saameeyeen loo gaarsiiyo dawooyin iyo xanaanayn.

Warbixintan ka hadlaysa abaaraha ka jira gobaladda Puntland waxaa soo diyaariyay wasaraddaha arrimaha gudaha oo kaashanaysa Hay'adda masiibooyinka dabiiciga ah ee HADMA.

Madaxwayne Gaas ayaa ka digay haddii uu Roobka Dayrta dib u dhoco ay kasii dari karta xaalada qoysas aad u faro badan oo ku tiirsanaa daaqa iyo biyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM