Dowladda Puntland oo shirkadaha kala hadashay maareynta qashinka

Image
Shirkadaha biyaha sifeeya iyo shirkadda Daryeel Degaan ayaa kulankan kasoo dhex-muuqdey.

GAROWE, Puntland - Wasiirka Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa xarunta dhexe ee wasaaradda kulan kula qaatay Shirkadaha biyaha sifeeya iyo shirkadda Daryeel deegaan oo u xilsaaran qashinka magaalada Garowe.

Shirkan waxaa qeyb ka ahaa Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Ayuub Cali Axmed, Agaasimaha Guud Shaafici Maxamuud Ismaaciil iyo Guddi wasiirku u magacaabay kormeerka iyo kasoo talo-bixinta xaaladda deeegaan ee degmada Garowe, 

Kulanka intuu socday waxaa looga hadlay sidii laysaga kaashan lahaa maaraynta qashinka oo dhibaato caafimaad iyo mid degaanba ku keenay bulshadda.

Intii kulanku socday waxay guddidu kusoo bandhigeeen warbixin ay ka diyaarsheen kormeer ay ku tageen godka qashinka magaaalada, goobaha ay shirkaduhu ku shubaan haraaaga dareerahaa ee warshadaha, iyo saamaynta caafimaad ee ka dhalan karta.

Gaba gabadii, waxaaa dhinacyadu isku afgarteeen in laga wada shaqeeyo arimaha shirka lagu lafa guray lana dhaqan galiyo xeerarka Ilaalinta iyo maaraynta deegaanka iyo sahminta saamaynta deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM