Dowladda Puntland oo wacyi gelin nabadeed ka wadda Karkaar

Image

March 31, 2015 (GO)- Dawlada Puntland ayaa  deegaano ka tirsan gobolka Karkaar oo maalmo kahor labo beelood heshiis ku gaareen waxay ka waddaa wacyi galin ku saabsan nabadda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa sheegay inay tageen deegaano dhowr ah ayna shacabka ku wacyi galiyeen muhiimada nabadu leedahay.

Wasiirka ayaa sido kale sheegay inay guul ka filayaan guud ahaan hishiiska la kala dhex dhigay beelaha islamarkaana rajo weyn ka qabaan in colaadaasi halkaas kusoo afjaranto.

Shalay ayay ahayd markii go'aamada laga soo saaray shirkii nabadaynta beelaha Cali Saleebaan iyo Muuse Saleebaan ee ku dagaalamay deegaano hoos taga degmada Rako ee gobolka Kar-kaar,waxaana dib loogu balamay magaha gudiga nabadayntu soo jeediyeen in la kala qaato muddo 45 casho ka dib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM