Puntland oo xoojisay tayeynta adeegyada caafimaadka

Image
Image
Image
Image
Wareejinta baabuurtaan iyo waliba dhamaystirka adeegyada caafimaad ee dhamaan degmooyinka waa qorshayaasha ugu waaweyn ee wasaaradda caafimaadka.

GAROWE, Puntland - Wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa maanta degmada Tawfiiq ee gobolka Mudug ku wareejisay gaari Ambulus ah kaasoo loogu talagalay in loogu adeego hooyadda iyo dhalaanka ku nool degmada iyo hareeraheeda.

Agaasimayaasha caafimaadka asaasiga ah, Qorshaynta aya ka qaybgalay wareejinta gaariga waxaa sidoo kale joogay duqa degmada maamulka caafimaadka degmada.

Abdirisaaq Abshir Xirsi agaasimaha caafimaadka asaasiga ah ahna kusimaha agaasimaha guud oo gaariga ku wareejiyay gudoomiyaha degmada ayaa yiri: "Baabuurka Ambuluska ee maanta aan ku wareejinayno degmada Tawfiiq ee gobolka Mudug waxay ka mid tahay baabuur dawlada oo kaashanaysa Bankiga aduunka usoo iibisay qaar kamid ah degmooyinka Puntland horayna wasaaraddu ugu wareejisay degmooyinka Eyl iyo Taleex maanta aan ku wareejinayno degmada Tawfiiq oo aad ogtihiin meesha ay ku taalo iyo baahida looga qabo inay hesho baabuurkaan si loogu adeego hooyada iyo dhalaanka degmada ku nool".

Mohamed Abdiqaadir Duqa Degmada Tawfiiq oo isaguna marka uu gaariga la wareegay ka hadlay ayaa yiri: "Waxaan ugu horayn uga mahadcelinayaa wasaaradda caafimaadka iyo dawlada Puntland gaariga maanta nala ku wareejiyay kaasoo baahi badan looga qabay degmada iyo hareeraheeda mudana aan sugaynay helitaankeeda waxaan si gaar ah uga mahadcelinayaa madaxda wasaaradda gaar ahaan wasiiru dawlaha wasaaradda oo qayb ka qaatay helitaanka gaarigaan,waxaan sidoo kale soo dhawaynayaa siyaasada guud ee dawlada Puntland iyo si gaar ah mida wasaradda caafimaadka ee ah in adeega dawlada la gaarsiiyo deegaamada fog laamigana ka baxsan".

Cabduqaadir ayaa ku daray: "Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan shacabka Tawfiiq waxaan balan qaadayaa inaan gaariga uga faa’iidaysan doono sida loogu talagalay meeshana ka saari doono baahida aan uqabnay Ambulus inaan helno, waana ilaashan doonaa Insha Allah".

Wareejinta baabuurtaan iyo waliba dhamaystirka adeegyada caafimaad ee dhamaan degmooyinka si gaar ah kuwa laamiga ka baxsan waa qorshayaasha ugu waaweyn ee wasaaradda caafimaadka waxaana sanadkii dhamaaday loo dhisay laga furay kuwa si isku tashi ah bulshadu udhisatay xarumo caafimaad waxaa la tayeeyay adeegyada caafimaad waxaana dhamaan xarumaha caafimaadka loo dhamaystiran adeegyada looga baahnaa iyadoo qaarkoodna lagu soo daray qaybta qaliinada hooyada dhalmadu ku adkaato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM